SABUURRADII  
Kitaabka Kowaad 
 1
Sabuurrada 1-41 
 1 Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh, 
Oo aan istaagin jidka dembilayaasha, 
Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada. 
 2 Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga, 
Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa. 
 3 Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda, 
Oo midhihiisa dhala xilligooda, 
Oo aan caleentiisuna engegin. 
Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa. 
 4 Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha, 
Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso. 
 5 Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka, 
Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda. 
 6 Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda, 
Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.